Xafiiska garyaqaannada ee Fridh Advokatbyrå wuxu kuu soo bandhigayaa inuu qareen kaaga noqdo dhinaca sharciga soo galootiga, xeerka xiqaabta, sharciga madaniga iyo xeerka qoyska. Habab shaqo oo casri ah iyo shaqaale heegan ah oo wadajir u shaqaynaya ayaannu ugu soo bandhigaynnaa macmiil kasta adeeg aannu ku hanweynahay.

 

Ku soo dhawoow in aad nagu soo booqato Hotellplatsen ee Göteborg, oo u jira Centralstationen iyo Brunnsparken masaafo dhagax la tuuuray gaaro. 

Na soo hel

Visa större karta

Ciwaanka booqashada:
Fridh Advokatbyrå
Hotellplatsen 2 (Göta källare)

Gaadiidka dadweynaha:
Xafiisku wuxu ku yaallaa meel u dhaxaysa maxaddadaha Drottningtorget iyo Brunnsparken oo ay maraan inta badan tareennada iyo basaska Göteborg.

Xafiisku wuxu ku yaal meel u jirta 200 m istayshinka dhexe ee Göteborg, waxad u baxdaa dhinaca Drottningtorget.

Helitaan
Xafiiska Fridh Advokatbyrå waa mid cid walba u furan. Haddii aad qabto baahi khaas ah, nala soo xiriir uun inta aanad noo iman.

Waxa aannu qabanno

Sharciga soo gelootiga
Magangalyo dalabku wuxu dad badan u yahay gebagebadii safar dheer oo dhib badan. Si adigu qaxoonti ahaan aad u hesho damaanad ah xuquuqdaada caalamiga ah ee magangeliyo, waxad marar badan xaq u yeelanaysaa qareen sharci ah oo ay dawladdu kaa bixiso qarashkiisa.

Waxay doonto ha noqoto sababta aad ugu baahantahay magangelyo caalami ahe, waxanu adiga iyo qaddiyaddaadaba siinaynaa muhiimad, waxananu kuu diyaargaraynaynaa fursadaha ugu fiican ee aad ku heli lahayd degenaanshaha Iswiidhan.

Sharciga soo gelootigu waa mawduuc sharci oo ballaadhan. Ma waxa aad u baahantahay caawimo ku saabsan codsiga magangelyada, isukeenista qoysaska, qaraabo-ku soo gelid, ruqsad shaqo, qaadashada dhalashada dalka, ama wax kale oo ku saabsan sharciga soo gelootiga? Waxad naga helaysaa talobixinta iyo caawimada aad u baahantahay.

Qareen dadweyne
In lagu ashkateeyo oo lagu xukumaa waa farogelinta ugu adag ee qof kala kulmi karo bulshadan aynnu ku dhex noolnahay. Markaa qofkaaga lagu tuhmo dembi waxad xaq u leedahay qareen ku difaaca. Haddii aanad haysan dhaqaale aad iskaga bixiso waxa qarashka kaa bixinaysa dawladda.

Qareenkaaga ahaan waxanu kula joogaynnaa waraysiyada laguugu yeero ee marka lagu baadhayo. Markaa waxanu noqonaynaa afhayeenkaaga haddii maxkamad iyo rafcaan qaadasho yimaaddaan. Haddii lagaaga yeero xagga booliska laakiin aanad lahayn qareen ku difaaca, markaa waxad codsan kartaa in laguu qabto abukaate khaas ah. Xiitaa annagu waannu kaa caawin karnaa xiriir noocaas ah.

Qareenka qofka dacwoonaya
In lagugula kaco dembi waxay noqon kartaa wax aad u xun, marka dambe geeddisocodka raacaana wuxu noqon karaa mid ay maarayntiisu dhib badan tahay caawimo la´aan. Sidaa darteed mararka qaarkood waxad xaq u yeelan kartaa qareen mudduci haddii aad tahay qof dembi laga galay.

Qareenkaaga mudduci ahaan waxanu joogaynaa garabkaaga ilaa inta lagu guda jiro geeddisocodka maxkamadda oo dhan, waanu ku taageeraynnaa annaga oo fiirinayna in aad u diyaarsanaato intii suurtogal ah tallaabo kasta oo jidkaas loo qaadayo. Xiitaa waxanu afhayeen kaaga noqonaynnaa arrimaha ku saabsan magdhowga.

Sharciga madaniga
In la baaro sidii qasab laguugu daweyn lahaa waxay ku gelinaysaa xaalad adag. In gacanta lagugu qabto sababo la xiriira balwad lagugu tuhunsanyey, LVM, jirro maskaxeed, LPT/LRV, ama daryeelka da´yarta, LVU, kay doonto ha ku saabsanaato eh, waxa aad xaq u leedahay qareen ay dawladdu kaa bixiso.

Qareen dadweyne ahaan waxannu xukun noocaas ah joogaynnaa garabkaaga, waanu ku taageeraynaa , wananu kuu hadlaynaa si aad u hesho fursad kasta oo maxkamad caaddaaladeed ah. Waxa mudan in aad maskaxda ku hayso in aad xaq u leedahay qareen dadweyne baaritaanka horeba ee ku saabsan in gacanta lagugu qabto.

Xannaanada carruurta, deegaanka iyo la joogid
Isfuritaan ay waalidiintu ku heshiin waayaan xannaanada carruurta, deegaankooda iyo la joogiddooda waxay ku noqon kartaa dadka ay qusayso mid xanuun badan. Meesha laga duulayaa waa in dadka carruurta la meelmariyo. In dhibaatooyinka la baaraa, ma aha in mar walba loo baahanyo in maxkamad la isla tago ee waxa suurtogal ah in si toos ah xal la isula gaadho lammaanahaagii hore. Ama taasi ha idin qusayso ama ha loo baahdo maxkamade waxanu kuu joognaa meeshaas oo waxanu kuu ilaalinaynnaa danahaaga ku jira in aad xaalaadda u hesho xal ku qanciya.

Qaddiyadaha qoyska la xiriira waxad badiyaaba caawimo ah in lagaa bixiyo shaqadayada difaaca sharciga ka heli kartaa caymiskaaga guriga ama caawimada xagga sharciga ee dawladda. 

Shaqaalaha

Bild Tomas Fridh

Tomas Fridh

Looyar

Ka qalinjebintii sharciga ka dib sannadkii 2005, wuxu Tomas Fridh ka soo shaqeeyey maxkamadda maamulka/maxkamadda soo galootiga ee Göteborg iyo Allmänna Advokatbyrån ee Göteborg. Waa looyar laga soo bilaabo sannadkii 2011, waana aasaasihii Fridh Advokatbyrå 2014.

Tomas Fridh waa khabiirka xagga sharciga ee golaha heer qaran ee kooxaha qaxootiga, FARR, waxanu ka hayaa shaqooyin waxbarasho oo fara badan oo dhinaca sharciyada soo gelootiga ah meelo ay ka mid yihiin jaamacadda Göteborgs Universitet, iyo weliba kooraska qareennimada ee Internationell Migrationspraxis ee loogu ralogalay wakiillada iyo qareennada.

Ka shaqeeysa xafiiska Göteborg

Meelaha uu ka hawlgalo: sharciga soo galootiga, qareen dadweyne, qareen mudduci, sharciga madaniga ah, iyo xeerka qoyska.

Luqadaha ee ku hadasho: Swedish, Ingiriisi

Telefoonka: 031- 63 11 91

Email: tomas.fridh@fridhadvokatbyra.se

porträtt av kvinna med långt hår

Faria Hassan

Garyaqaan sharci

Faria Hassan waxay ka qalinjebisay jaamicadda Lunds universitet kuliyadda sharqiga . Waxay asaastay Femcenter kvinnojour, halkaas oo waqti-deer uga shaqyasay garyaqaan ahaan. Waxayna tahay guddoomiye ku-xigeenka jamciyadda Femcenter kvinnojour. Waxaa kale oo ay xubin ka tahay ururka ROKS. Waxay aqoon gaar ah u ledahay xad-gudubyada qoyska, taas oo ay u ledaahay khibrad tuban sano ka badan.  Waxay shaqaale ka noqotay xafiiska Fridhs Advokatbyrå 2016.

Ka shaqeeysa xafiiska Göteborg

Arrimaha ay ka hawl-gasho: sharciga soo galootiga, qareen mudduci, sharciga madaniga ah, iyo xeerka qoyska.

Luqadaha ee ku hadasho: Swedish, Ingiriisi, Soomaali iyo Carabi

Telefoonka: 031- 63 11 95

 

Email: faria.hassan@fridhadvokatbyra.se

 

Bild Linus Gabrielsson

Linus Gabrielsson

Garyaqaan sharci

Linus Gabrielsson wuxu ka qalinjebiyey jaamacadda Handelshögskolan ee Göteborg 2013. Wuxu si tabarruc ah uga soo shaqeeyey sharciga soo gelootiga laga soo bilaabo 2011. Qalinjebintii ka dib wuxu ku soo shaqeeyey talobixin sharci oo uu magaciisa ku waday ilaa 2014 oo uu shaqaale ka noqday xafiiska Fridhs Advokatbyrå.

 

Ka shaqeeysa xafiiska Göteborg

Meelaha uu ka hawlgalo: sharciga soo galootiga, qareen mudduci, sharciga madaniga ah, iyo xeerka qoyska. 

 

Luqadaha ee ku hadasho: Swedish, Ingiriisi

Telefoonka: 031- 63 11 92

 

Email: linus.gabrielsson@fridhadvokatbyra.se

 

Bild Björn Åhlin

Björn Åhlin

Garyaqaan sharci

Ka shaqeeya xafiiska Göteborg

Arrimaha uu ka hawl-galo: sharciga soo galootiga, qareen mudduci, sharciga madaniga ah, iyo xeerka qoyska.

Luqadaha uu ku hadlo: swedish, ingiriisi iyo fransiiska

Telefoonka: 031- 63 11 93

Email: bjorn.ahlin@fridhadvokatbyra.se

porträtt av kvinna i svart kläd

Jenni Stavare

Garyaqaan sharci

Ka shaqeeysa xafiiska Göteborg

Arrimaha ay ka hawl-gasho: sharciga soo galootiga, qareen mudduci, sharciga madaniga ah, iyo xeerka qoyska.

Luqadaha ee ku hadasho: swedish iyo ingiriisi 

Telefoonka: 031- 63 11 94

 

Email: jenni.stavare@fridhadvokatbyra.se 

porträttbild av kvinna med mörkt hör

Venus Kiani Zadegan

Paralegal

Luqadaha ee ku hadasho: swedish, ingiriisi iyo farsi

 

Telefoonka: 031- 63 11 90

Email: venus.kiani.zadegan@fridhadvokatbyra.se

Xiriir

Ciwaanka warqadaha:
Fridh Advokatbyrå
Slussplatsen 1
411 06 Göteborg

Ciwaanka booqashada:
Hotellplatsen 2 (Göta källare)

Gudbinta Telefoonka : 031-63 11 90

Haddii aad raadinayso lambar qof gaar ah, waxad ka helaysaa shaqaalaha hoostooda ee halkaas kore

Fax: 031-15 30 80 

Limayl: info@fridhadvokatbyra.se

Wakhtiyada furnaanta: 09.00 - 16.00 (qado 12.00-13.00)

Bogga Fridh advokatbyrå ee Facebook

Get in touch!